Agaasimaha Waaxda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Dalxiiska Degmada Baydhabo, Jabriil Madguud iyo Guddoomiyaha Xiriirka Table Tennis ee Koonfur Galbeed ayaa maanta si wadajir ah qalabkii lagu ciyaaro Table Tennis, gaarsiiyey Schoolka Barwaaqo Three ee magaalada Baydhabo.

Marxaladaha ka qaybgalka

Dood

01 Janaayo 2026 - 01 Ogosto 2026

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin Ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay Shir looga hadlayey adeeg bixinta dawladda hoose, kor u qaadida horumarinta dhaqaalaha deegaanka, horumarinta qorshaynta magaalooyinka, iyo xoojinta awooda degmooyinka soomaliya.

Marxaladaha ka qaybgalka

Dood

11 Janaayo 2026 - 30 Luliyo 2026

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa ka qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta magaalooyinka Soomaaliya, kaas oo uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka (World Bank). Shirkan oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa ka soo qeybgalay Duqeyda magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyo sidoo kale Wasaaradaha Howlaha Guud ee heer Federal iyo Dowlad-Goboleed, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo maamul wanaagga magaalooyinka. Sidoo kale Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay mashaariicda dhismaha waddooyinka, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo magaalooyinka dalka . Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa inta lagu guda jiray shirka ka hadlay doorka muhiimka ah ee Baydhabo kaga jirto horumarinta magaalooyinka dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in la dardargeliyo mashaariicda la xiriirta biyaha, nadaafadda, iyo waddooyinka si loo hagaajiyo nolosha bulshada ku nool magaalada Baydhabo. Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada uu siiyo magaalooyinka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in iskaashiga noocan ah uu muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Shirkan wuxuu qab ka noqon doonaa dadaalada Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada uu ka wado Qorshiyaasha Hormarineed ee Magalada Baydhabo ee ku saabsan kordhinta wada shaqeynta u dhexeysa maamulada magaalooyinka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera barnaamijyada horumarinta magaalooyinka Soomaaliya.

Marxaladaha ka qaybgalka

Dood

02 Janaayo 2026 - 10 Jun 2026

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray website-ka cusub ee “Fariin Maal”, kaas oo u sahlaya bulshada degmada inay si toos ah ula wadaagaan maamulka fikirradooda, baahiyahooda, iyo soo jeedintooda.

Marxaladaha ka qaybgalka

Dood

02 Janaayo 2026 - 10 Maay 2026

Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada Degmada Baydhabo aadan Ali Arab Ayaa manta ka qeybgalay Munaasabadda saxiixa heshiis Is-afgarad seddex-geesood ah oo u dhaxeya Wasaaradda Caafimaadka XFS , Wasaaradda Caafimaadka DKGS iyo Hey’adda Caalamiga ah ee SOS

Marxaladaha ka qaybgalka

Dood

02 Janaayo 2026 - 18 Maay 2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Degmada Isxaaq maxamed Cali Teygaab ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay school ka Barwaaqo . Kormeerka waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Xaafadaha Horseed. Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda guud ee waxbarashada iyo adeegyada kale ee school ka .

Marxaladaha ka qaybgalka

Dood

01 Janaayo 2025 - 29 Luliyo 2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Baydhabo, Mucaawiye Ibraahim Cali, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan ay yeesheen Guddiga Sare ee Mashruuca SINNAAN Project. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hormarinta iyo taageerida magaalooyinka Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa awoodda maamul iyo adeeg bixinta dowladaha hoose. Intii uu kulanku socday, Guddoomiye Mucaawiye Ibraahim Cali ayaa soo bandhigay hormarrada iyo dadaallada ay dowladda hoose ee degmada Baydhabo wado, isagoo sidoo kale u mahadceliyay madaxda mashruuca SINNAAN Project dadaalkooda joogtada ah ee ay ku taageerayaan magaalooyinka dalka.

Marxaladaha ka qaybgalka

Dood

29 Disembar 2025 - 01 Janaayo 2026

Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo ayaa si rasmi ah u bilowday dhismaha laamiga cusub ee wadada Cunaay, taas oo kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee isku xira xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo.

Marxaladaha ka qaybgalka

Dood

29 Oktobar 2025 - 10 Janaayo 2026

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Degmada Baydhabo Mucaawiye ibraahim Cali Ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay kulan Dood-wadaag ah oo ujeedadiisu tahay in la isu keeno siyaasad-dejiyeyaasha, madaxda dowladda hoose, bah-wadaagta horumarinta, iyo khubarada qorsheynta magaalooyinka si ay u sahmiyaan xeeladaha kor u qaadi kara adkeysiga iyo shaqeynta magaalooyinka Soomaaliyeed. Kulanka oo saa qabanqaabiyey world Bank Ayaa Waxaa diirada lagu saarey , In la ogaado caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla magaalooyinka Soomaalida. In laga wada hadlo hababka loo xoojinayo maamulka iyo qorsheynta magaalooyinka. In la wadaago hab-dhaqannada ugu wanaagsan iyo casharrada gobollada kale. In la soo jeediyo xalal wax ku ool ah iyo qaab-dhismeed iskaashi oo dhexmara dawladda, qaybaha gaarka ah, iyo bulshada. Iyo casharada laga bartay gobollada kale

Marxaladaha ka qaybgalka

Dood

02 Janaayo 2026 - 05 Maay 2026

Caawinaad ku saabsan nidaamka sharciaga ah

Ka qayb qaado doodaha iyo geedisocodyada ka hor ansixinta xeerar cusub ama istaraatiijiyado. Fikraddaada waa la tixgelin doonaa.