Dib ulaabo

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Degmada Baydhabo Mucaawiye ibraahim Cali Ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay kulan Dood-wadaag ah

Sharaxaad

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Degmada Baydhabo Mucaawiye ibraahim Cali Ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay kulan Dood-wadaag ah oo ujeedadiisu tahay in la isu keeno siyaasad-dejiyeyaasha, madaxda dowladda hoose, bah-wadaagta horumarinta, iyo khubarada qorsheynta magaalooyinka si ay u sahmiyaan xeeladaha kor u qaadi kara adkeysiga iyo shaqeynta magaalooyinka Soomaaliyeed. Kulanka oo saa qabanqaabiyey world Bank Ayaa Waxaa diirada lagu saarey , In la ogaado caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla magaalooyinka Soomaalida. In laga wada hadlo hababka loo xoojinayo maamulka iyo qorsheynta magaalooyinka. In la wadaago hab-dhaqannada ugu wanaagsan iyo casharrada gobollada kale. In la soo jeediyo xalal wax ku ool ah iyo qaab-dhismeed iskaashi oo dhexmara dawladda, qaybaha gaarka ah, iyo bulshada. Iyo casharada laga bartay gobollada kale