Dib ulaabo

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa ka qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta magaalooyinka Soomaaliya, kaas oo uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka (World Bank).

Sharaxaad

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa ka qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta magaalooyinka Soomaaliya, kaas oo uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka (World Bank). Shirkan oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa ka soo qeybgalay Duqeyda magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyo sidoo kale Wasaaradaha Howlaha Guud ee heer Federal iyo Dowlad-Goboleed, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo maamul wanaagga magaalooyinka. Sidoo kale Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay mashaariicda dhismaha waddooyinka, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo magaalooyinka dalka . Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa inta lagu guda jiray shirka ka hadlay doorka muhiimka ah ee Baydhabo kaga jirto horumarinta magaalooyinka dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in la dardargeliyo mashaariicda la xiriirta biyaha, nadaafadda, iyo waddooyinka si loo hagaajiyo nolosha bulshada ku nool magaalada Baydhabo. Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada uu siiyo magaalooyinka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in iskaashiga noocan ah uu muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Shirkan wuxuu qab ka noqon doonaa dadaalada Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada uu ka wado Qorshiyaasha Hormarineed ee Magalada Baydhabo ee ku saabsan kordhinta wada shaqeynta u dhexeysa maamulada magaalooyinka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera barnaamijyada horumarinta magaalooyinka Soomaaliya.