Sharaxaad
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray website-ka cusub ee “Fariin Maal”, kaas oo u sahlaya bulshada degmada inay si toos ah ula wadaagaan maamulka fikirradooda, baahiyahooda, iyo soo jeedintooda. Xafladda daahfurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada, agaasimayaal, iyo marti sharaf kale oo kala duwan. Website-kan cusub ayaa qayb muhiim ah ka noqonaya is-dhexgalka bulshada iyo maamulka, isagoo fududeynaya habka wada-shaqeynta iyo wada-xaajoodka bulshada iyo maamulka degmada. Guddoomiyaha Degmada Ahna duqa Magalada Abdullahi Ali Watiin ayaa xafladda ka sheegay in website-kan uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada degmada iyo dhageysiga codka shacabka. Website-ka “Fariin Maal” ayaa hadda diyaar u ah in bulshada degmada Baydhabo ay si fudud ugu gudbiyaan talooyinka, cabashooyinka, iyo soo jeedinta ku saabsan horumarinta magaalada.






