Sharaxaad
Agaasimaha Waaxda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Dalxiiska Degmada Baydhabo, Jabriil Madguud iyo Guddoomiyaha Xiriirka Table Tennis ee Koonfur Galbeed ayaa maanta si wadajir ah qalabkii lagu ciyaaro Table Tennis, gaarsiiyey Schoolka Barwaaqo Three ee magaalada Baydhabo. Iskuulka Barwaaqo Three oo ay gacanta ku hayso Dawladda Hoose ee Degmada Baydhabo ayaa ah mid ay wax ku bartaan carruurta barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha waxbarashada, taas oo ka tarjumaysa dadaalka dowlada hoose ee degmada Baydhabo ee ku aaddan kor u qaadista waxbarashada iyo fursadaha isboortiga. Qalabka Table Tennis-ka ee la gaarsiiyay iskuulka ayaa ka kooban miisaska, Rackets,kii kubbadaha iyo agab kale oo dhammeystiran. Qalabkan ayaa lagu wadaa in uu kaalin muuqata ka qaato kobcinta ciyaaraha dugsiga, kor u qaadista niyadda ardayda, iyo dhiirrigelinta is dhexgalka bulshada ee carruurta barakacayaasha ah. dowlada hoose ayaa sidoo kale diyaarisey macalinkii ardeyda bari lahaa ciyaartaan.







.jpg)





