Dib ulaabo

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Muqdisho kaga qeyb galay kulan ay yeesheen Guddiga Sare ee Mashruuca SINNAAN Project

Sharaxaad

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Baydhabo, Mucaawiye Ibraahim Cali, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan ay yeesheen Guddiga Sare ee Mashruuca SINNAAN Project. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hormarinta iyo taageerida magaalooyinka Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa awoodda maamul iyo adeeg bixinta dowladaha hoose. Intii uu kulanku socday, Guddoomiye Mucaawiye Ibraahim Cali ayaa soo bandhigay hormarrada iyo dadaallada ay dowladda hoose ee degmada Baydhabo wado, isagoo sidoo kale u mahadceliyay madaxda mashruuca SINNAAN Project dadaalkooda joogtada ah ee ay ku taageerayaan magaalooyinka dalka.