Dib ulaabo

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Degmada Isxaaq maxamed Cali Teygaab ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay school ka Barwaaqo .

Sharaxaad

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Degmada Isxaaq maxamed Cali Teygaab ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay school ka Barwaaqo . Kormeerka waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Xaafadaha Horseed. Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda guud ee waxbarashada iyo adeegyada kale ee school ka . Mas’uuliyiinta ayaa soo indha-indheeyay qeybaha kala duwan ee fasallada dugsiga, iyagoo la kulmay maamulka iyo macallimiinta. Intii lagu guda jiray booqashada, Guddoomiye Isxaaq maxamed Cali Teygaab ayaa maamulka school ka ku wareejiyay Yunifoomamka ardayda iyo buugaagta manhajka dowladda ee sannad dugsiyeedkan. Guddoomiyaha ayaa ku dhiirrigeliyay maamulka iyo ardayda dugsiga Barwaaqo in ay sii xoojiyaan dadaalka waxbarashada, isagoo ballanqaaday in maamulka degmada uu sii wadi doono taageerada lagu horumarinayo tayada waxbarashada ee Baydhabo.

Wax sual ah miyeysan jirin